Trump: “Aniga oo aan dhib badan marin ayaan boqorka dalka Sacuudiga taleefon uga dhacsaday $500 milyan”

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku jees jeesay Boqorka Sacuudiga Salman, waxaana arrintaan si weyn looga hadal hayaa Baraha Bulshada.

Donald Trump ayaa sheegay inuu Shan Boqol oo Milyan oo si aan dhib laheyn uga qaatay Boqorka Sacuudiga kadib markii uu u diray Taleefoon.

Trump ayaa Boqorka Sacuudiga qadka Taleefoonka uga sheegay inay Mareykanka sanad kasta ku bixiyaan ilaalinta Sacuudiga illaa 4.5 bilyan oo doolar hadda wixii ka dambeeyana uusan sii wadi karin.

Trump oo ka hadlayay isu soo baxa hal ku dhigiisu yahay “Make America Great Again” ayaa sheegay in Sacuudiga ay yihiin xulafo wanaagsan oo dhaqaale badan soo geliyay shirkadaha Mareykanka, isagoo sheegay inuusan marnaba xiriirka u jarin doonin dalkaas.

Wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo Mareykanka kula talinayo in xiriirka loo jaro balse wuxuu Trump sheegay inay Sacuudiga tahay Saaxiib lacag badan leh oo aan xiriirka loo jari karin.

“Waxa kaliya ee ay heystaan waa lacag caddaan ah, waxay naga iibsadaan waxyaaba badan, horayna waxay nooga iibsadeen 450 bilyan oo doolar”, sidaas waxa yiri Donald Trump.

Trump oo ka sheekeenayo wixii dhex maray isaga iyo Boqorka Sacuudiga ayaa yiri:

” Boqor Salmaan waxaa ku iri 4.5 Bilyan oo lacagta Mareykanka ah ayaa sanad kasta kugu ilaalinaa, taas masii wadi karno wixii hadda ka dambeeyo, sababatoo ah waa waali, markaan sidaas iri Boqor Salman wuu xanaaqay, wuxuu igu yiri sidaan cadaalad maahan, anigana waxaa ugu jawaabay waa caddaalad, hadaladaas kulul kadib wuxuu Boqorka igu yiri waxaan ku siinayaa 500 oo Milyan oo Dollar, waxaana ugu jawaabay lacagtaas way yar tahay waxaan u baahanay intaas ka badan” ayuu yiri Trump oo u khudbeenayey dadweyne farabadan.

Trump oo u muuqday inuu ku faanayo lacagta tirada badan ee uu ka helay Sacuudiga ayaa sheegay inay ugu dambeyntii isaga iyo Boqorka heshiiyeen uuna ka qaatay lacagtii Shanta Boqol ee Malyan aheyd.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inay Sacuudiga ka qaadi karaan lacag intaas ka badan maadaama uu sheegay inuu intaas oo lacag ah oo kaga helay hal wicitaan oo kaliya haddii uu Cadaadis saarana uu ka heli karo lacag xad dhaaf ah.

Trump ayaa tan iyo markii uu xilka Madaxweynimo ee Mareykanka qabtay wuxuu caadi ka dhigtay inuu ceebeysto Madaxda Dalka Sacuudiga oo iyaga ah kuwa ka dambeeyo reer Galbeedka iyo Dowladaha waaweyn ee aan Islaamka aheyn halka kuwa Islaamka ahna ay cadaadis xoog leh saaraan.

Xafiiska Washington 
Caasimada@live.com