Wararkii ugu dambeeyey xiisadda saraakiishii shalay lagu dilay gobolka Sanaag

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa goordhoweyd oo maanta ah ka hadlay dilkii shalay loo geystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xaalka doorashooyinka Somaliland, isagoona dhaliilay hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi.

Ciro oo goordhoweyd warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa xisbiga Waddani ayaa ka dhawaajiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu ku guul-dareystay inuu si hufan u wada hogaamiyo shacabka reer Somaliland, wuxuuna yiri:

“Xukuumada kulmiye waxa ay ku mashquulsantahay dhul-boob iyo kala qaybinta bulshada, meeqaamkii Dawladnimo hoos buu u dhacay waxaynu weynay dalal badan oo Somaliland saaxiib dhaw la’aheyd, taasina waxa sababay dawladihii kala dambeeyay ee Kulmiye. Dalka waxa ka jira Sixir barar-baahsan oo ay sababtay Sarifka oo hoos u dhacay iyo maceeshada oo halkeediiya qofkastaana wuxuu waayay 20% boqolkii doolarba”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynihii aynu u dooranay in qarankan hoggaamiyo wuxuu doorbiday in uu qayb kamida hoggaamiyo, oo uu doortay Kulmiye iyo Ucid uu madaxweyne u noqdo, Dadka inta kalena ma madaxweyne la’aanayaan. Haddii uu go’aansaday Madaxweyne Muuse in uu laba xisbi Doorasho u qabtay anaguna ma doorasha la’aan doono, dhamaan taageerayaasha xisbiga Waddani waxaan ugu baaqayaa in aanay qaadan kaadh Diwaangalineed oo Kulmiye iyo Ucid wadaan”.

“Cabudhinta saxaafada waxa ka dhalan doono kacdoon shacbi, socona mayso in kolba mid la xidho loona hanjabo waxaana hadda Albaabada loolaabay Joornaalkii Foore”.

“Intaan la gaadhin wadahadalada Somaliya iyo Somaliland waxa ka horaysa in aynu gudaheena hagaajino, waxa ka horaysa in aynu dhisno shuruucda dalkan, waxa ka horaysa in aynu shacabka midayno galnana doorasho loo dhanyahay” ayuu yiri Guddoomiye Ciro.

Ugu dambeyntiina Guddoomiye Ciro waxa uu ka tacsiyadeeyay Saraakiishii lagu dilay Gobolka Sanaag “Waxaan tacsi u dirayaa marka hore labadii sarkaal ee shalay danbiilayaashu ku dileen deeganka Gar Adag. Lakiin waxaan ka xumahay in saraakiishaas la dilay muddo 5 cisho ah ay gurmad ka dalbanayeen wasiir Maxamed Kaahin oo ku mashquul sanaa qabashada Doorasho laba xisbi ah”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com