Maxkamadda G/Banaadir oo xukun adag ku riday dadkii dilay Axmed Dowlo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiskii Dilka ahaa ee bishii September ee sanadkii hore 2018 loogu geystay degmada Yaaqshiid Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo).

Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed oo Dil degmada Yaaqahiid ee Gobolka Banaadir ugu geystay 20/09/2018, Axmed Mukhtaar Saalax ( Dowlo) ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ku riday xukun dil Toogasho ah.

Eedeysanayaasha lagu xukumay dilka ayaa waxay kala yihiin Xuseen Iidow Maxamed, Asli Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii deysay afar qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa Falka dilka ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed,isla markaana sheegay in xukunka uu racfaan ka furan yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin ayaa sheegay in xukunkan uu racfaan ka furan yahay.

Dhacdadii dilka aheyd ee bishii September ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa aheyd midii ugu hadal heynta badan, iyadoo bulshada si adag uga fal celisay, markii ninka la dilay Axmed Dowlo uu u guuriyay wiil uu adeer u yahay gabar, waxaana muranka ka dhashay guurkaas uu sababay in Axmed Dowlo loo dilo arrimo ku saabsan heyb sooc.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com