Madaxweyne Pervez Musharraf oo geeriyooday

Dubai (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf ayaa maanta oo ah Axad ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Dubai isagoo 79 jir ah, kadib markii uu muddo xanuunsanaa, sida ay xaqiijiyeen ciidamada Pakistan.

Musharaf waxa uu xukunka kula wareegay afgembi aan dhiig ku daadan sannadkii 1999-kii, wuxuuna isku ahaa madaxa ciidamada Pakistan, madaxa fulinta iyo madaxweynaha markii uu dhacay weeraradii 9/11 ee Maraykanka.

Jeneraalkan ayaa isbaheysi la noqday Washington markii ay duullaanka ku qaadeen dalka ay dariska yihiin ee Afghanistan, isagoo ka badbaaday isku dayo dil oo dhowr ah.

“Taliyeyaasha sare ee militariga Pakistan ayaa muujinaya tacsi tiiraanyo leh oo ku saabsan geeridii murugada lahayd ee General Pervez Musharaf”, ayaa lagu yiri bayaan kooban oo ay baahisay garabka warbaahinta ee militariga.

“Allah ha u naxariisto, jannadana ha ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo.”ayuu raaciyay qoraalka militariga Pakistan.

Jeneraalka afarta xidigle ahaa ayaa subaxnimadii hore ee Axadda maanta ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Dubai, sida ay sheegeen warbaahinta iyo sarkaal sare oo dhanka ammaanka ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Ku dhawaad sagaal sano oo uu talada dalka hayay, Musharaf waxa uu Pakistan u horseeday kobac dhaqaale ah oo ay qayb weyn ka qaadatay gargaarka ballaaran ee Washington, si uu u taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Musharaf ayaa laba jeer laalay dastuurka Pakistan, isaga oo yiri oraahdii caan baxday ee aheyd “waa warqad qashinka lagu daray” – wuxuuna dhaqan galiyay xukun degdeg ah markii tallaabo uu ku eryay madaxa caddaaladaa ee dalka uu dhaliyay mudaaharaadyo bilo socday.

Madaxweynaha Pakistan Arif Alvi ayaa tacsi ka diray geerida Musharaf.

Kadib dilkii hoggaamiyaha mucaaradka Benazir Bhutto bishii Diseembar 2007, ayaa sababay niyad jab ku dhacay Pakistan, iyo khasaare burburiya xulafadiisa, iyada oo sidoo kale guuldarrooyinkii uu kala kulmay doorashadii 2008 ay gelisay go’doon. Isla sannadkaas ayuu xilka iska casilay, waxaana uu noqday dibad-joog.