Saciid Deni oo 3 arrin uga hadlay wareysi xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysi uu dhinacyo badan kaga hadlayo siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysiga wuxuu kaga hadlay arimaha Somaliland, sida loo xalin karo Khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada iyo in doorashadiisii ay Musuq maasuq ka madax banaaneyd.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Deni, ayaa ugu horeyn sheegay in Somaliland ay kusoo xad gudubtay xuduuda Puntland, isaga oo sheegay in xuduuda deegaanada Puntland la wada yaqaan.

Wuxuu si cad u sheegay in xad gudubta Somaliland ee dhanka xuduuda inuu yahay mid aan la aqbali doonin isaga oo sheegay in xuduudooda tahay deegaanada dadka Soomaaliyeed oo dhan wada yaqaanaan.

Arinta labaad ee Muhiimka ah ee uu ka hadlay ayaa ahaa khilaafka madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxda Soomaaiiyeed balse ay jiraan kala aragti duwanaan ku aadan hanaanka la doonayo in loo hormariyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kala aragti duwanaantaasi jirta loo baahan yahay in madaxda ay xaliyaan, isagana uu doorweyn ka ciyaari doono kala aragti duwanaantaasi, sidii loo dhameyn lahaa.

Arinta kale ee uu kaga hadlay wareysiga ayaa aheyd in doorashadiisa ay ka madax banaaneyd Musuq maasuq, waxaana uu sheegay in wax musuq ah aan isaga lagu dooran, sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com