Siilaanyo oo hadlay, kadib maalmo uu xaalka ku xumaa Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan dowlad u ahayn isla markaana xukumin Somaliland.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay mar uu maanta khudbad ka jeedinaayay labada aqal ee baarlamaanka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay in ay ku howlan yihiin horrumarinta Somaliland iyo siddii aqoonsi uga heli lahaayeen dunidda.

Mar uu ka hadlaayay dowladda Soomaaliya wuxuu yiri “Dowladda cusub ee Soomaaliya waxaa inoo dhexeeya cilaaqaad fiican waxaanu cid walba u sheegeynaa dalka Somaliland dowlad uma ahan, Somaliland waxa ay dowladnimadeedu dib ula soo noqotay sannadkii 1991-dii”

Wuu sii hadlay “ Waxaanu ku howlanahay horrumarinta dalkeena iyo siddii aqoonsi aanu uga heli lahayn dibedda, dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda waxaanu ka rajeyneynaa in ay garwaaqsadaan oo ay u tashtaan siddii uu u fiicnaan lahaa xiriirkeena, mana jirto cid juujuubi karta aqoonsiga Somaliland”

Muxuu ka sheegay Siilaanyo Aqoonsiga Maraykanka uu siiyay dowladda Soomaaliya?

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaatay aqoosniga Maraykanka uu siiyay dowladda cusub ee Soomaaliya.

“Ictiraafka uu siiyay Maraykanka dowladda cusub ee Soomaaliya arrintaas ma ahan wax Somalialand quseeya mana ahan wax cusub waligeed waa ay ictiraafsaneed Soomaaliya balse iminka waxa ay oggolaadeen maamulka cusb, annaguna kama xumin xaasidna kuma nihin waxa dadka Soomaalida ku kordhaya iiyo n ay horrumar gaaraan”

Muxuu ka sheegay xiriirka Somaliland iyo Maraykanka?

Madaxweyne Siilaanyo ayaa meelaha kale ee uu taabtay waxaa ka mid ah xiriirka Somalialnd iyo Maraykanka taasoo uu sheegay in aanay waxba iska badalin.

“Xiriirka u dhexeeyay Somaliland iyo Maraykanka waxba iskama badalin wadashaqeenteenuna waa siddeedii , waxanaa rabaa in aad ila dhageesataan fariintan ka timid wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka taasoo uu ii soo dhiibay danjiraha halkan u jooga, waxa la sheegay in xiriika labada wadan uu siddiisa yahay” ayuu yiri Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray dowladda Britain ee ahaa in muwaadinteeda ka jooga Somaliland ay ka baxaan halkaas kaddib markii la helay digniino khatar ah oo xagga nabadgalayada oogeed.

“Dowladda Ingiriiska waxaa noo dhexeeyay xiriir soo jireen ah waxaa naga dhexeeyay iskaashi meel fiican maraya, waxaase ka xumahay dhawaaq ka soo yeeray wasaaradda arrimaha dibedda ee lagu sheegay in Somaliland ay ka jirto khataro xagga nabad galyada ah dhawaqaas ma ahayn mid u qalba kuna haboon xiriirka labada waddan waxaanu u aragnaa gaf nalaga geestay” ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo aqoonsiga Somaliland waa muqadas

Madaxweynaha Somaliland ugu dambeen wuxuu ku soo hadal qaaday madaxbanaanida Somaliland oo sacab loo tumay.

“Mudanayaal jiritaanka Somaliland oo soo martay marxalado kala duwan  oo fulaygu shaki badan galiyay sidaan horrey u sheegay 100-sano haddii ay gaareyso qadiyada madaxbaanida Somaliland waa muqadas ,waxaanu ku kalsoonahay in aan si wadajir ah uga wadagudbi doono caqabad kasta oo naga hortimaada”

Si kastaba, Somaliland oo muddo 20-sano kabadan ay aqoonsi raadineysay aanu weli jirin cid aqoonsatay caalamka.

Caasimada Online

 Xafiiska Wararka Hargeysa