Madaxweyne Thabo Mbeki oo dhex-dhexaadinaaya SOOMAALIYA iyo KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Thabo Mbeki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayada oo la rumeysan yahay inuu dhex-dhexaadinayo Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Thabo Mbeki ayaa hoggaaminaya guddi sare oo ka socda Ururka Midowga Africa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddigan ayaa u yimid arrimo la xariira dhex dhexaadinta dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo uu haatan ka dhexeeyo khilaaf xoogan.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay kulan kula qaataan xarunta Madaxtooyada Qaranka, sida ay xaqiijiiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Xubnahani ka socda Midowga Africa ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa ayaa Nairobi kula soo kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Munica Juma.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xariira Badda, nabadda, xasilloonida, is dhexgalka iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in wax wada-hadal ah aysan ka geli doonin muranka Badda, islamarkaana ay ka war sugi doonto go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com