Madaxweyne TRUMP oo booqanaya Sacuudiga kadib markii ay aqbaleen shuruudiisa

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Khamiistii sheegay inuu qorsheynayo safar uu ku tago Sacuudiga, isagoo soo jeediyay heshiis maalgashi ballaaran oo ka imanaya boqortooyadaasi, taasoo haatan noqotay xarunta ugu weyn ee Maraykanku kula macaamilayo Ruushka iyo Ukraine.

Markii la weydiiyay haddii uu Sacuudiga kula kulmi doono Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, Trump wuxuu xaqiijiyay qorshihiisa booqashada, balse wuxuu xusay in ujeeddadiisu tahay arrimo ganacsi.

“Waxaan u socdaa Sacuudiga,” ayuu u sheegay wariyeyaasha, isagoo aan cayimin taariikhda safarka.

“Waan iri, waxaan imaanayaa haddii aad bixisaan hal tiriliyan oo doollar—$1 tiriliyan—oo ay shirkadaha Maraykanka helaan, iyagoo iibsigaasi ku fidinaya muddo afar sano ah,” ayuu yiri, isagoo ula jeeday muddada xukunkiisa.

“Way ogolaadeen taas, sidaas darteed waan tegayaa,” ayuu raaciyay.

Trump, oo aan weli safar dibadeed ku bixin tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, ayaa Sacuudiga ka dhigtay halkii ugu horreysay ee uu booqdo markuu xilka la wareegay 2017.

Wuxuu dhawaan sheegay inuu doortay Sacuudiga halkii uu ka tegi lahaa Britain safarkiisii ugu horreeyay, maadaama boqortooyada Carbeed ay ballanqaaday inay iibsato badeecooyin Maraykan ah oo qiimahoodu dhan yahay $450 bilyan.

Trump wuxuu xiriir ganacsi oo dhow la leeyahay Sacuudiga, iyadoo Trump Organization ay bishii December ku dhawaaqday qorshe looga dhisayo Trump Tower magaalada Jeddah.

Intii uu xilka hayay, wuxuu ku faanay inuu ka difaacay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, cawaaqib xumada dilkii suxufigii mucaaradka ahaa Jamal Khashoggi, isagoo xusay muhiimada ay leedahay hubka ay Sacuudigu ka iibsadaan Maraykanka.

Madaxweynihii hore, Joe Biden, wuxuu markii hore ballanqaaday inuu dhaxal-sugaha ka dhigi doono “go’doonsane” sababo la xiriira xuquuqda aadanaha, balse maamulkiisu wuxuu markii dambe la jaanqaaday Sacuudiga, oo uu la galay heshiis difaac oo horudhac ah, si uu ugu qanciyo inuu aqoonsado Israel.

Maamulka Trump ayaa ballanqaaday inuu dadaal xooggan gelinayo sidii Sacuudiga loogu qancin lahaa inuu xiriir caadi ah la yeesho Israel—tallaabo taariikhi ah, maadaama boqortooyadu hoy u tahay laba ka mid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka.