Madaxweyne Trump oo diyaaradaha dagaalka u iibgeynaya Bahrain

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa markii ugu horeysay Congress-ka horgeeyay in maamulkiisa uu Diyaarado dagaal u iibgeynaayo dalka Bahrain.

Maamulka ayaa Congress-ka sharaxaad kasiiyay asbaabaha keenay in dalka Bahrain loo iibgeeyo Diyaaradaha Dagaalka, waxa uuna maamulka dalbaday in laga aqbalo iibgeynta Diyaaradaha dagaalka.

Dalabka maamulka Madaxweyne Trump, ayaa irdaha u furaaya billaabida hanaan dib u eegis oo sharci-dejiyayaasha ay ku dalban doonaan akhbaaraad dheeri ah.

Heshiiskan ayaa Bahrain u ogolaanaya inay 19 diyaaradaha F-16 uga iibsato shirkadda Lockheed Martin, waxaana ku kacaya lacag ka badan afar bilyan oo dollar.

Dowladii uu Hogaaminaayay Barack Obama ayaa horay u hakisay Heshiiska Dowlada Bahrain looga iibinaayo Diyaaradaha dagaalka, waxaana Bahrain diidmadaasi loogu sababeeyay in iibsashada Diyaaradaha ka hor ay xaliso walaacyada laga qabo xuquuqda aadanaha dalkaas.

Senate-ka Bob Corker oo ah Guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha dibedda, ayaa sheegay in Shuruudaha Barack Obama ay haayen kuwo aan la aqbali karin, isla markaana ahaa kuwo aan wax ku’ool aheyn balse maamulka cusub uu dib u eegaayo dhammaan howlihii uu qabtay Barack Obama.

Maamulka congress-ka ayaa ka dhowr sugaaya congress-ka waxaana suuragal ah inay kasoo baxaan diidmo ama ogolaansho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com