Document: Puntland oo heshiis shidaal baaris ah la gashay shirkadda CCECC

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa maanta asixiyay heshiis ay magaaladda Adis-ababa ku soo wada galeen Puntland iyo shirkadda dhismaha ee CCECC.

Heshiiskaani ayaa lagu dhisayaa jid laami ah oo isku xiraa Garoowe iyo Eyl iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee Galkacayo.

Shirkadda howlahaani fulineysa oo lagu magacaabo China Civil Ingnineering Construction Corp ayaa horey heshiiskan ula saxiixatay Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo xiligaa ku sugnaa magaalada Addis ababa.

Shirkadda CCECC ayaa hore u dhistay Garoonka diyaaradaha ee Bosaso, waxa ayna ka shaqaysaa wadamo badan oo afrika ah, waxaana barnaamijyadeeda shaqo kamid ah shidaal baaris.

Heshiiska ayaa waxaa kamid ah in shirkadan ay sahmin shidaal ka sameyso degaanada Puntland.

Warmurtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiiradda oo nuqulo ka mid ah la gaarsiiyay Warbaahinta ayaa u qornaa sida tan: