Madaxweyne TRUMP oo u hanjabay sharafta-na ka qaaday Sacuudiga, sabab?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay dalalka Khaliijka ee Sacuudiga uu ugu horreeyo inay kabaan shidaal-yarrida caalamka ee Iran ay sababeyso, haddii kalena Mareykanka uusan difaaci doonin.

Mareykanka ayaa doonaya in cunaqabteynta uu saaray Iran ay keento in dalkaasi uusan wax shidaal ah dhoofin marka la gaaro bisha November. Haddii labada milyan ee barmiil ee Iran ay soo saarto maalinkii laga waayo,  suuqayada caalamka ayaa laga dareemi doonaa kororka sicirka saliidda.

Haddii taas ay dhacdo Trump ayaa wajihi kara carrada dadka Mareykanka oo aan u dulqaadan karin kororka qiimaha shidaalka.

Qorshaha Trump ayaa ah in dalalka khaliijka ay sare u qaadaan wax soo saarkooda shidaalka, si meesha looga saaro shidaal yarida ka dhalaneysa cunaqabateynta Iran.

Si kastaba, inkasta oo Sacuudiga uu Trump ku raacsan yahay in la dhimo qiimaha saliidda, haddana waxay weli ka caga jiidayaan inay kordhiyaan wax soo saarkooda, ayada oo aan la ogeyn sababta.

Hanjabaadda Trump ayaa loo arkaa xushmad darro iyo liiditaan uu u muujiyey Sacuudiga, oo dunida Islaamka oo idil ka doorbiday Mareykanka iyo xulafadooda Yahuudda, oo ay hadda si buuxda ula safan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com