R/W KHEYRE “Waxaa jira kuwo afku dhiiglayaal ah oo u baahan in la ciribtiro”

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in dalka ay kusoo kordhayaan shaqsiyaadka afku dhiiglaha ah.

Kheyre waxa uu sheegay in dhinacyada afku dhiiglayaasha ay ka hortagi doonaan maadaama ay halis ku hayaan degnaanshiyaha dalka.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre mar kale ku celshay inay laali doonaan dhammaan dhaqamada xun oo uu kamid yahay Musuq-maasuqa, waxa uuna kuwa ku caanbaxay Musuqa ku sheegay inay yihiin afku dhiiglayaal.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inay la dagaalamayaan shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Khilaafka waxa uuna tilmaamay inaan loo dulqaadin karin in laaluush la qaato amaba la barbaariyo af ku dhiigle.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, lana aqbali doonin, wax kasta oo dib u dhigaya, isagoo ku tilmaamay kuwa wada musuq-maaasuqa inay doonayaan in dib ay u dhigaan dalka.

Kheyre waxa uu sheegay in maamulkiisa uusan u turi doonin xitaa shaqsiyaadka xilka u haya dowlada ee ku sifoobay Musuqa, Laaluushka iyo inuu noqdo afku dhiigle, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxa uu Kheyre cadeeyay in Mowqifka dowladiisa uu yahay in la ciribtiro dhammaan kuwa caadada ka dhigtay qalqal galinta dalka.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta kale ee xilalka u haya dowlada ayuu ugu baaqay in xili hore ay ka fogaadan haddii ay jirto musuqa iyo laaluush ay wali gacanta kula jiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com