Madaxweyne Waare ayaa wareegto ku magacaabay Gudoomiyaha Jaaliyada Hirshabelle ee Waqooyiga America

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu magacaabay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen jaaliyada Hirshabelle ee North America. Waxaa Gudoomiye loo magacaabay Mohamed Issa Wardere (Mudey) halka gudoomiye ku xigeena loo magacaabay Ali Abdalle Adawe.
Maamulka Hirshabelle ayaa isla meel dhigay in ay lagamamaar tahay in la helo wakiil ama gudoomiye jaliyadeed u qaabilsan Waqooyiga America taasoo ugu danbayn ay maanta usoo magaacaabeen labadaas mas’uul. Tan markii la’aasaasay Hirshabelle ayaa Waqooyiga America noqaysa markii ugu horeysay ay helaan wakiilo ugu mas’uul ah dowlad Goboleedkooda taas oo wax ka bedali doonta qaabkii hore ee jaaliyada waqooyiga America.
Maamulada kale ee dalka ka dhisan ayaa jaaliyado ku leh waqooyiga America ku waasoo udub dhexaad u ah bulshada qaybaheeda kala duwan iskuna xira jaaliyada dibada Iyo kuwa kunool gidaha. Mas’uuliyiintaan loo magacaabay xilka jaaliyada Hirshabelle ee waqooyiga America ayaa ah shaqsiyaad aad looga yaqiino Soomaalida ku nool waqooyiga America hadii ay noqon lahayd dhanka isku xirka, wacyo galinta Iyo Horumarka.