Dhageyso: Fiqi “Madaxda DF wax aay DAGAAL kula jiraan dadka MUQDISHO”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalka ay ayaan darro weyn haysato, maalin walbana ay ka dhacaan waxyaabo amniga la xiriira oo dhibaatooyin ah loona geysto shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay mudanaha in sidoo kale ay dadka Soomaaliyeed dhibaato badan ku qabaan waddooyinkaan xiran, sidoo kalena shacabkii iyo xildhibaannadii gacanta loola tagay, oo ay ciidamada dowladda dhibaateynayaan.

Magaalada Muqdisho ayuu sheegay iney u muuqato in loo ekeysiiyey mid furin dagaal ah, madaxda joogtana ay shacabka ka shakisan yihiin sidaasi darteedna shacabka loo arko sida kuwo cadow ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Madaxda dowladda waxay dagaal kula jiraan shacabka Muqdisho, oo ay ka shakisan yihiin, ganacsiga ka shakisan yihiin, umaddii oo idil ay ka shakisan yihiin. Waxaan ka xumahay in ciidamada loo adeegsado in la dhibaateeyo shacabka” ayuu yiri Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ayaga oo guryahooda jiifa oo raaxeysanaya ay madax iyo afti shisheeye ah oo dalka imanaya ay kala muhiimsan yihiin shacabkii Soomaaliyeed ee dalka u dhashay.

“Madaxweynaha ayaa meel aadaya, wasiir Ethiopian ah ayaa imanaya, ra’iisul wasaaraha ayaa shah cabaya, waxaas ayaa maalin kasta dadkii magaalada loo dhibaateynayaa” ayuu yiri Fiqi.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Fiqi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com