Xildhibaanada mucaaradka ku ah DF oo loo diiday inay maanta galaan xarunta BF

Muqdisho (Caasimadda Online)  – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee maanta ka qeybgelayay kulanka 14aad ee Golaha shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in ay maanta handadaad iyo rasaas kala kulmeen ciidanka amaanka ee ay maanta u xiranyihiin inta badan Waddooyinka Muqdisho.

Xildhibaannada maanta Golaha Baarlamaanka ka hor sheegay in handadaad iyo rasaas ay kala kulmeen Ciidanka waxaa ay kala yihiin; C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad Maxamad Salaad  iyo Axmed Macalin Fiqi.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominaya ayaa ciidamada ugu baaqay inay dhowraan xasaanada Xildhibaanada.

Waxa uu ka codsaday guddiyada amniga iyo difaaca Golaha Shacabka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan ishor-istaaga maanta lagu sameeyay Xilhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa uu sidoo kale Guddiga amniga iyo difaaca ee Golaha shacabka amray in ay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaannada maanta la kulmay handadaadda iyo Rasaasta ee dacwadda u gudbiyay Golaha shacabka.

Kulanka maanta ayaa ku saabsanaa aqrinta 1aad ee Hindise sharciyeedka bartilmaameedsiga cuna qabateynta dhaqaalaha iyo, qeybinta hindise sharciyeedka wax ka beddelka sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ooo isna marayay aqrinta 2aad.

Kulanka waxaa manta xaadiray 145 ka mid ah 276da Xildhibaan ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Caasimad Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com