Maxkamadda ICC oo soo saartay hanjabaad ka dhan ah tacadiyada GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Maxkamada danbiyada dagaalka aduunka ee ICC ayaa waxaa lagu sheegay in Maxkamadu ay qaadeyso talaabo ka dhan ah waxyaabaha ka socda magaalada Gaza.

Maxkamada ayaa sheegtay in walaac xoogan ay ka qabto dhibaatooyinka sii xoogeysanaya ee ka taagan magaalada Gaza oo ku taal xuduuda ay wadaagaan Falastiin iyo Israel.

Maxkamada ayaa ku hanjabtay in talaabo cad ay ka qaadi doonto cid waliba oo ku lug leh danbiyada ka dhaca magaalada Gaza.

Mr ms Fatou Bensouda oo la sheegay inuu yahay Dacwad soo oogaha Maxkamada ICC, ayaa cod dheer ku sheegay in Gaza ay yeelan doonto xaqeeda .

Qoraalka Hanjabaada Maxkamada ICC ayaa imaanaya xilli milatariga Israel maalmihii la soo dhaafay ay toogasho ku dileen dhalinyaro reer falastiin ah oo ku nool magaalada Gaza.

Sidoo kale, Israel ayaa ku faantay in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeeyen degaano ku yaal magaalada Gaza,oo madaafiic looga soo weeraray.

Docda kale, Maxkamada Hague ayaa sheegtay in si dhaba ay ula socon doonto dhacdooyinka ka taagan magaalada Gaza oo ku taal xuduuda ay wadaagaan Falastiin iyo Israel.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com