Kheyre oo sheegay sababta ay MADAXDA caalamka u imanayaan MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Somalia ay iminka ka gudubtay xiligii laga baqan jiray.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay in xiligan Somalia ay dib ula soo laabaneyso kalsoonida wadamada saaxiibada la’ah Somalia.

“Somalia waxa ay ka gudubtay xiligii laga baqan jiray waxa ay u gudubtay xili ay madaxda caalamka kusoo dhiiradan si nabad ahna ay ugu dhex mushaaxan”

“In na lagu soo dhiirado waxaa sabab u ah in adduunka uu arkay inaan daacad u nahay dowladnimada, ogaada in Somalia ay isku filnaan gaareyso waa in la taageera dowlada”

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in Somalia ay kasii hana qaadi doonto halka ay iminka taagan tahay waxa uuna ku baaqay in la garwaaqsado in Nabadu ay tahay mida keliya ee horumarka lagu gaari karo.

Sidoo kale, waxa uu ballanqaaday in mudada ay xilka hayaan ay ka shaqeynayaan in Somalia ay keenaana madaxda adduunka si loo arko in dalka uu amni yahay isla markaana y Somalia u bisishahay dowladnimada.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili magalada Muqdisho ay booqasho wada jira ku imaaden Wasiirada arrimaha dibadda Eriterea iyo Ethiopia oo aan horay u imaan jirin Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com