TURKISH Airlines oo loolan adag ku wajahaysa gudaha Somalia kadib November

Muqdisho (Caasimada Online) – Ethiopian Airlines, ayaa lagu wadaa in ay dib u soo celiso duulimaadyadii Muqdisho bisha November muddo 40 sano ah kadib, taasi oo billow u noqon doonta loolan adag oo Soomaaliya ku dhex maray ayada iyo shirkadda Turkish Airlines.

Diyaaraddan oo ku jirta kuwa ugu raaxada badan qaaradda Afrika ayaa sidaasi ku sheegtay war ay soo saartay talaadadii, waxayna si toos ah duulimaadyada u bilaaban-doonaan November 2.

Iimaatinkeeda Soomaaliya waxaa lagu wadaa inay tartan la gasho Turkish Airlines oo in muddo aheyn diyaaradda caalamiga ah ee ugu horeysay ee ka shaqeyso gudaha Soomaaliya burburkii kadib, in badan qurbajoogta iyada ayey adeegsan jireen.

Waxaa sidoo kale la filayaa in imaanshaha Ethiopian Airlines ee Muqdisho ay shacabka ka caawiso inuu hoos u dhaco qiimaha ticket-ka, maadaama Turkish Airlines ay iminka wixii doonto dadka ka qaado, maadaama aan tartan lagula jirin.

Maamulaha shirkadda waxaa uu sheegay in duulimaadyadan ay kaalin muhiim ah ka qaadan-doonaan xoojinta xiriirka labada shacab iyo kor u qaadista dhaqaalaha labada dal ee walaalaha ah”.

Ethiopian Airlines , waa shirkadda ugu weyn, uguna waxsoo saar badan qaaradda Afrika, sanadka 2017/18  waxaa ay sameysay $2.7 billion.

Waxaa sidoo kale dhici karta in diyaaradda ay soo qaado “Qaadka” oo hadda ay Soomaaliya ka keensato dalka Kenya, markii hore waxaa ay geyn jirtay Somaliland.

Dhankeeda, Soomaaliya waxaa ay ka faa’ideysan-doontaa suuqyada Itoobiya oo ay ku nool yihiin ilaa 100 million, kuwaas oo in badan baahi u qaba dalagga iyo kaluunka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com