Nin hubeysnaa oo lagu dhextoogtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka ammaanka dowladda federaalka ayaa saaka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku dhextoogtay nin la sheegay inuu hubeysnaa.

Ciidamada ayaa ninkaasi ku toogtay xaafada Black Sea ee magaalada Muqdisho waxaana lasoo sheegayaa inuu watay qori, isla markaana uusan aheyn Askari dowladeed. Ninka la toogtay oo laga shakisanaa ayaa ku hubeysnaa qori noociisa lagu sheegay AK-47 iyo booshash.

Ninkaani ayaa waxa ay toogashadiisu ka dambeysay kadib markii uu dad shacaba ka dhacay telefoono dhowr ah, xiliga la dilaayayna uu qorsheynaayay dhac kale.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ninkaasi dilkiisa ka hor uu la dagaalamay ciidamada amaanka sidaasina ay ku dhacay toogashadiisa.

Dhinaca kale, waxaanu jirin cid kale oo khasaare uu ka soo gaaray hawlgalka ninkan burcadka ah lagu dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com