Trump oo is-beddelay lana saftay Sacuudiga xilli weli la’yahay Jamal Khashoggi

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa beddelay mowqifkiisii hore, wuxuuna billaabay inuu difaaco Sacuudiga oo lagu haysto dilka la tuhusan yahay ee suxufi Jamal Khashoggi, oo aan la arag tan iyo markii uu labadii bishan galay qunsuliyadda dalkaas ee Istanbul.

Trump oo horey u sheegay inuu ciqaabi doono Sacuudiga, haddii dilka uu ku caddaado, ayaa hadda dhaliilay eedeynta soo kordheysa ee loo jeedinayo dalka Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wariyihii la waayey ee Jamal Khashoggi.

Madaxweynaha oo shalay wareysi siiyey wakaalada wararka ee Associated Press, ayaa sheegay in aadan danbiile ahayn, illaa dambi lagugu helo, isaga oo u duurxulayo dalka Sacuudiga eedda loo jeedinayo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isaga oo ka hadlaya arrinta Sacuudiga loogu eedeynayo wariyihi boqortooyada mucaaradka ku ahaa ee la waayey 2-di bishan ka dib marki uu galey qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul Turkey, waxa uu barbardhigey eedeymihii isku-deyga kufsi ee lagu soo eedeyey garsoorihi uu isagu u xuley maxkamada sare ee Mareykanka, Brett Kavanuagh oo warbaahinta caalamka mudo haysatey.

Wareysigan ayaa la sii daayey ka dib marki uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Mareykanka, Mike Pompe uu la kulmey boqorka Sacuudi Carabiya, Salman Bin Cabdicasiis iyo dhaxalsugaha dalkaas Maxamed Bin Salman, kuwaasi oo uu kala hadlayey arrinta Jamal Khashoggi.

Trump oo ah nin is-beddel badan oo aan lahayn siyaasad fadhisa ayaa inta badan go’aanadiisa ku haga danahiisa gaarka ah, mana cadda waxa Sacuudiga u sheegeen wasiirkiisa arrimaha dibedda.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com