Muxuu XASAN SHEEKH ka yiri go’aanka ay DF Somalia ku taageertay Sacuudiga?

London (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud ayaa ku tilmaamay tallaabo lagu fududaaday go’aankii ay dowladda federaal-ka ah ka qaadtay khilaafka Sucuudiga, Turkiga iyo wadamda reer Galeedka u dhexeeya ee ku saabsan kiiska wariyaha ‘la dilay’.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay war saxaafadeed ay si mug leh ugu garab istaagtay boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaasi oo ay ku sheegtay In ay ka soo horjeeddo cid walba oo ku xad gudubta madax bannaanida Sucuudiga ama wax u dhinta daneheeda dhaqaale.

Xassan Shikeh oo Wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in aysan habooneyn in lala kala safto Sacuudiga iyo Turkiga, midda kalena aysanba jirin duruuf dowladda ku kaliftay inay mowqif qaadato.

Isaga oo ka hadlayey go’aankii dowladda waxa uu yiri: “Anigu ma garanaayo waxa ku kalifaayo in ay mawqifkaas qaadato dowladda, lsababta oo ah Sucuudiga iyo Turko iyagaa wada hadloohaayo, wada sameenoohaayo, ciidamadooda amniga iyo saraakiishooda isku keenay oo dambiga halla wada baaro dhahayo oo wado socdo, markaa anigu ma garaayo waxa ku kalifay dowladdeenna in ay mowqif qaadato, saxna ilama aha”

Waxa uu intaas ku daray “Waa arrin aad u adag in Sacuudiga iyo Imaaraadka (Oo Uu ula jeedo Turikiga) la kala safataahu, waa arrin aad iyo aad u adag, laakiin hadanna aniga waxaa ii muuqda in laga laga maarmay, oo wax ku qasbaayo dowladda in ay Position-kaas qaadato aynan jirin, labada dalna ma u maleenaayo in mid dowladda inta cadaadis ku saaray dhahay inta maxaa saas u tiri inta saas dheh, laakiin dee xoogaa waxaan is leeyahay halkaas fudeedaa ka dhacay.”

Xassan Shiekh Maxamuud oo dhawaan Muqdisho kaga dhawaqay xisbi mucaarad ah oo uu u noqday hoggaamiye., waxa uu sheegay in qof kasta uu ogyahay abaalka uu Turkiga u galay dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com