26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Madaxweyne Xaaf oo weli ku jahwareersan xildhibaanada baarlamanka Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaanada maamulka ay ku khasban yihiin meelmarinta Wasiirada cusub.

Xaaf waxa uu sheegay inuu la socdo in Xildhibaanada qaar ay ka gadoodsan yihiin hanaanka loo magacaabay Golaha Wasiirada, balse uu isagu yahay mid mudnaanta siiyay tirada mas’uul ee uu xilka u magacaabay.

Waxa uu Xaaf sheegay in Xildhibaanada laga doonaayo inay ka fiirsadan haddii uu jiro is hortaag ku aadan Wasiirada, waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay meelmarinta Wasiirada.

Xildhibaanada ayuu sheegay in lagu aaminay masiirka maamulka, sidaa aawgeedna la doonaayo inay meelmariyaan wax waliba oo loo arkaa inay maslaxad ugu jirto maamulka.

”Waxaan rajeenayaa in Xildhibaanada ay kala qaadan rabitaankooda iyo wixii ku xeeran masiirka maamulka, waxaan dooneynaa inaad meelmarisaan Wasiirada isla markaana dib u laqdaan haddii ay jiraan dhaliilo”

Sidoo kale, Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inaysan ku dayan kuwa kale ee mar waliba u dhaga nugul diidmada qayaxan.

Haddalka Xaaf, ayaa imaanaya xili ay baqdin ka jiro meelmarinta Wasiirada cusub, waxaana suuragal ah in Xildhibaanada ay diidan ansixinta maadaama Xaaf uu balanka uga baxay qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News