26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Madaxweyne Xasan: DF Somalia dib ayey uga laabatay go’aankeedii hore

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ah ay ka laabatay go’aan horey ay u gaartay oo shacab badan ay ka qeyliyeen.

Go’aankaasi ayaa waxa uu la xiriiray in dadka shacabka ah laga saaro dhammaan xarumaha dowligi ah iyo kuwa dadweynaha ee magaalada Muqdisho, taasi oo dad badan guryo la’aan dhigtay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in go’aaankaasi wax laga beddelay oo shacabka laga saari doono oo kaliya meelaha ay diyaar tahay in dib loo dhiso, dowladdana ay ka howl gasho.

“Xarun dowladeed oo aan la dhiseyn iminka kama saareyno shacabka, tani waxa ay fursad siin doontaa in dad badan ay guryo ay ku noolaadaan sii raadsadaan, ayada oo dowladdana ay ka caawin doonto” ayuu yiri madaxweynaha.

Si kastaba, madaxweynuhu wuxuu sheegay in goobaha hadda in dib loo dhiso ay diyaar tahay in ay qasab tahay in laga baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News