Madaxweyne Xasan iyo Antony Blinken oo wada-hadal xasaasi ah yeeshay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, iyaga oo ka wada-hadley xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa wada-hadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib.

Blinken ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka uu galiyay la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama laga gaaray guullo waa wayn, lana xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Dhinaca kale Xasan Sheekh iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaas oo dhawaan loo soo magacaabay wakiil KMG ah.

Wada-hadalladan dhex-maray dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla markaana dowladda Soomaaliya ay waddo qorshayaal ballaaran oo ku aadan horumarinta dalka, maadaama bilihii u dambeeyay ay gaartay guullo waa wayn.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.