Qodobada uu madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhiggiisa Eritrea + Sawirro

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki, wxuuna kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Labada madaxweyne ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea , Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Afwerki uga warbixiyey dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen arrimo ku aadan tababarka ciidamada Soomaaliyeed uga socda dalkaas iyo sidii loogu dhameystiri lahaa, si loo soo celiyo

Intaas kadib labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin kala duwan ugu bixiyay magaalada Asmara oo uu dhowr jeer tegay, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee sanadkii 2022-kii

Waxaa kale oo uu horay u booqday xeryaha ciidamada Soomaaliya lagu tababarayo, isaga oo qiimeyneyay xaaladdooda iyo tababarka uga socda halkaasi.

Eritrea ayaa waxaa ku sugan oo tababar ku qaadanaya qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida, waana mid kamid ah waddamada Soomaaliya ka gacan siiya tababarka ciidamada, kaasi oo lagu tilmaamo midka ugu adag ee la siiyo ciidankeenna.