Daawo: Maxaad ka ogtahay dahabka lagu xaday weerarkii Hotel SYL ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Cismaan Sheekh Nuur Rooble oo ah sharci yaqaan Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday hoteelka SYL oo uu kamid ahaa dadkii deganaa, xilliga Shabaab weerarka ku qaadayeen todobaadkan, kaas oo qarax ku bilowday.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa oo aroos ah ay daganayeen qol kamid ah hoteelka, islamarkaana laga badbaadiyay inta uu socday weerarka.

“Waxaan ahayn aroos hoteelka daganaa abaare 10:00 habeenimo ayaa qarax iyo weerar toos ah lagu soo qaaday hoteelka, qolkiibaa ku xanibneyn daqiiqado ka bacdi ciidamo ayaa imaaday dariishadaa ka boodnay bannaanka ayaa naloo saaray,” ayuu yiri Cismaan Sheekh Nuur Rooble.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in markii uu dhammaaday weerarka uu ku laabtay hoteelka, isla markaana u tegay qolkiisa oo la jebiyay, kadibna laga qaatay alaabtii oo dhan.

“Ciidankii aan isku dhiibnay ee ammaanka ayaa nagala wareegay xilkii oo annaga nasoo kaxeeyay waxaa soo baxday muddo kadib oo maalintii dambe inaat tegno qolkii oo albaabkiisa la jabshay wax alla wixii yaallana la baartay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cismaan Sheekh Nuur Rooble ayaa soo bandhigay alaabta ka maqan, wuxuuna ku sheegay dabah uu ku qiimeeyay 5 kun oo dollar, qalab electronic ah iyo alaabo kale oo qaali ah.

“Waxaa nagala baartay Dahab illaa iyo 5 kun oo dollar ku dhawaa, waxaa nagala qaatay qalab Electronic ah intii anfaca lahayd alaabteyda waa la qaatay” ayuu mar kale yiri.

Arrintan waxaa ka horreysay sheeko kale oo uu saabsan in laba qalin oo hanti qaran uu ku sheegay Danjire Ciid Beddel Maxamuud, kuwaas oo lagu waayay weerarkii hoteel SYL.

Al-Shabaab ayaa weerarkan gaystay, kaas oo khasaare dhaliyay, sidoo kale qaatay saacado badan, waxaana ka dhashay tuhun xoogan, maadaama uu ka dhacay aaga madaxtooyada.