Muxuu madaxweyne Xasan ku dalbaday farriinta uu u diray Maxamed Bin Salmaan?

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Dhambaalka qoraalka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya uu diray ayaa ahaa mid uu ku dalbanayey xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo dhambaalkaas loogu dhiibay dowladda Sacuudiga ayaa gaarsiiyey maanta.

Ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee arrimaha siyaasadda ee Boqortooyada Sacuudiga Daljire Sacuud bin Maxamed Al-Sati ayaa maanta kusoo dhaweeyay Danjire Dahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh.

Ergayga ayaa halkaas looga guddoomay dhambaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u diray Boqortooyada Sacuudiga, kaas oo lagu dalbanayey sii xoojinta xiriirka labada dal.

Saaxiibtinimada Sacuudiga waxay Soomaaliya u tahay muhiim, waxaana xusid mudan waligiisba uu wanaagsanaa xiriirka labada dal.

Sidoo kale Sacuudiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, kabka miisaaniyadda dowladda, mashaariicda, deeqaha iyo wixii lamid ah.

Dhaxalsugaha uu sida tooska ah ugu socdo dhambaalka Madaxweynaha Maxamed Bin Salmaan ayaa ah nin awood badan, wuxuuna hadda toos u maamulaa dowladda, maadaama uu xanuunsan yahay Boqorka Salmaan oo hadda da’ ah.