Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin u diray SHACABKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee 12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagleelay Calankeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntan tahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman nahay.

“Waxay muujinaysa hindisaha Calankeenna sida dadka Soomaaliyeed maskaxdooda, naftooda iyo maalkooda ugu hureen gobanimada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo billowgiisa laga gaaray guulo ifafaalo u noqonaya in cadowga ka xoreyno dalkeena.

“Si aan u dareensiinno carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha badan waa in aan xusnaa oo weynaynaa halgankii loo soo maray xornimada dalkeenna, madax-bannaanidiisa, dowladnimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale maanta waxaan nooga baahan xoreyn deegaannada argagixisada ay shacabka ku dhibaateeyaan”

Ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay in dhabbaha kaliya ee looga guuleysan karo argagixisada ay tahay midnimo, wadajir iyo xaqiijinta qorshaha dowladda ee lagu cirib-tirayo argagixisada.