Xamza oo maanta u baxay safar dibadeed + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya, halkaas oo uu uga qayb-galayo shirweyne caalami ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka kusii sagootiyey xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, waxaana lagu casuumay shirka Madasha Tana oo sanadkiiba mar la qabto.

Shirkan oo ay ka qayb-galayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa diirrada lagu saarayaa arrimaha amniga ee guud ahaan Qaaradda Afrika.

Afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka warbixiyey safarka ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xamza uu khudbad ka jeedin doono madasha, isla-markaana uu ka hadli doono amniga gobolka iyo kan Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu afhayeenku tilmaamay in ra’iisul wasaaraha uu  kulan duceed la yeelan doono madaxda ka qayb-galeysa shirkan, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la filayaa inuu wadahadallo la yeesho ra’iisul wasaare Abiy Axmed, maadaama uu shirka martigeliyey, kaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana labada dowladood ay wajahayaan dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa haatan dadaal ugu jirto sidii ay taageero ugu heli laheyd dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, kaas oo sii xoogeystay, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay duulaan ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen xoogaga Al- Shabaab.