Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ururka EAC

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor sii horeysay oo maanta ah u magacaabay Cabdisalaam Hadliye Cumar, Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrka (EAC).

Cabdisalaam Hadliye ayaa horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.

“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii hore magaalada Arusha ee dalka Tanzania uga qeyb-galayo shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana uu sharaxaad ka bixiyay sababta ay Soomaaliya u dooneyso inay uga mid noqoto ururkaas.

EAC ayaa ah urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Arusha ee Tanzania, kaasi oo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka kooban yahay.

South Sudan ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ururkan ku biirtay bishii April ee sanadka.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeeda xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, ayada oo muddooyinkii dambe uu madaxweyne Xasan xoojiyay dadaalada kamid noqoshada.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka, waxaana xusid mudan in dhawaan uu dib usoo laabtay xiriirkii ay la laheyd Soomaaliya, oo xumaa sanadihii dambe ee hogaaminta dalka gacanta ugu jirtay madaxweynihi hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.