DAAWO: Roobow oo sheegay in DF ay guuleysan doonto beesha Mudulood darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee arrimaha diinta iyo awqaafta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo hadal ka jeediyey kulan ay beesha Mudulood kusoo dhaweeneysay xukuumadda cusub, ayaa sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ay guuleysan doonto.

Sababta ayuu Mukhtaar ku sheegay inay Beesha Mudulood taageersan tahay xukuumadda cusub, islamarkaana ay quraan iyo faataxo la daba taagan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa salaamayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan beelweynta Mudulood ee gogoshaan sharafta leh dhigtay, aniga maanta waxaan dhihi karaa labada dhinacba waan ka tirsanahay, aniga Xamar xaafada 15 May ayaan ku qaan gaaray oo beesha ayaan ka mid ah, tan labaadna xukuumadda lasoo dhaweenayo ayaan ka mid ahay,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Runtii ilaahey baan u mahadcelineynaa, waxaan hubaa xukuumadda codadkii ugu badnaa ayaa lagu ansixiyey, mid kalana shaki iigama jiro xukuumad ay sidaan usoo dhaweeneyso beesha Mudulood ee gogoshaan u dhigtay ee quraankii lagu yaqaanay iyo faataxadiina ay la daba taagan tahay shaki ma jiro xukuumadda waa guuleysaneysaa.”

Mukhtaar ayaa sidoo kale sheegay in isbadalka ka dhacay dalka ay tiir dhexaad u aheyd beesha Mudulood, wuxuuna sheegay in ururkii ay sameysay ee Badbaado Qaran ay ku badbaaday Soomaaliya oo dhan.

“Badbaado Qarankii ay beesha Mudulood sameysay waxaa ku badbaaday Soomaaliya oo dhan, waxaa ku badbaaday wadajirka maamul goboleedyada, maskiinkaan maxbuuska ahaa xataa waa ku badbaaday,” ayuu yiri Roobow.

Roobow ayaa sheegay in markii uu bilowday dagaalkii Badbaado Qaran uu aad ugu soo dhawaaday gurigii uu ku xirnaa, wuxuuna sheegay in ciidankii ilaalinayey ay u sheegeen in haddii uu dagaalka sii xoogeysto uu kala doorto in loo geeyo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, wuxuuna wax lagu faanay ku sheegay in labadaba ay kasoo jeedaan Beesha Mudulood.