Madaxweyne XASAN SHEEKH oo shuruud adag ay hor taallo si loo furo shirka CADAADO (XOG)

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray degmada Cadaado ee Gobolka G/gaduud iyadoo lagu wado inuu halkaasi ka furo shirka muddada dheer soo jiitamayay ee maamul u sameynta gobolada Dhexe oo dhowr jeer hore u baaqday.

Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in madaxweynaha wadahadal hor leh la geli doono isbaheysi isugu jira: Ximan & Xeeb, Galmudug iyo qeyb kamida Ahlu sunna, kuwaasoo si weyn uga horjeeda go’aankii uu madaxweynaha ee ku saabsanaa in Dhuusmareeb ay tahay caasimadda maamulka Gobolada dhexe.

11-kii Bishan ayuu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu furmayo shirka, balse waxaa si caro leh uga hor yimid isbaheysiga cusub oo ku dooday inuusan xaq u lahayn madaxweynaha inuu wareegto ku magacaabo caasimad dadka ka dhaxeysa. Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa oo hore u tagay Cadaado ayaa ku guuleysan waayay inuu qanciyo Galmudug iyo Ximan & Xeeb oo ku adkeystay inuu madaxweynaha ka laabto go’aankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga fadhiyaa sidii uu u qancin lahaa kooxaha ku sugaya Cadaado iyo caqabadda kale ee ku xiran in shirka maamul u sameynta uu furmo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com