“Heshiiskii Garoowe waa qorshe la doonayo in nalagu soo weeraro, waa inaan isku-diyaarinaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul Puntland ay maalin ka hor hishiis ku gaareen magaalada Garoowe ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID ee maamulka Somaliland.

Isaga oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayuu sheegay in qaar ka mid ah qodobada ay ku hishiiyeen labada dhinac ay saameyn ku yeelanayaan jiritaanka maamulka Somaliland, sida uu yiri.

Wuxuu si adag kaga hadlay qodobka dhigaya in dowlada Federaalka Soomaaliya ay tababar siiso ciidamo maamulka Puntland ka tirsan, kuwaasi oo uu sheegay in loo diyaarinayo iney weeraraan deegaanada Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in shacabka Somaliland iyo madaxda maamulka ay muhiim tahay iney sameeyaan midnaan ay kaga hortagayaan weerar kaga yimaada maamulka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Eeg labada inan ee hishiiska ku saxiixay Garoowe, waxay yiraahdeen Federaalka ayaa tababar siinayo ciidamo Puntland ah, waa qorshe la doonayo in lagu soo weeraro Somaliland waa inaan u midownaa dagaalkaasi nagu soo wajahan”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeyo muran dhanka dhulka ah gaar ahaan Sool Sanaad iyo Ceyn oo maamulka Khaatuma uu ka arimiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com