Xildhibaannada Jubba oo goor dhow la shaacin doono iyo xog horudhac ah oo laga helaayo !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in hadda uu Hoolka shirarka Ergooyinka xulanaayo Xildhibaanada Jubba uu ka socdo diyaar garow loogu jiro shaacinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Jubaland.

Hoolkii ayaa hada lagu sugan yahay waxaana la diyaarinayaa madashii looga dhawaaqi lahaa liiska xildhibaanada cusub ee Jubaland.

Jawiga Hoolka ayaa ah mid kacsan waxaana la filayaa in goor dhow si rasmi ah loo shaaciyo, iyadoona Hoolka ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Ergooyinka.

Dhanka kale, waxaa jira magacyo si hordhac ah iminka loo shaaciyay balse waxaan go’aansanay inaanan ka hordhicin liiska rasmiga ah ee xildhibaanada Jubaland.

Caasimada Online waxay goor dhow akhristayaasheeda usoo gudbin doontaa magacyada xubnaha ku guulaystay inay kamid noqdaan baarlamaankii ugu horeeyay ay Jubaland yeelato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com