DF oo isbitaalka Keydsaney u bedeleysa Xabsi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano booqasho ku tagay isbitaalka Keysaneey ee duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa ka digey in isbitaalka loo badalo xabsi, waxayna ku taliyeen in sidiisa loo daayo.

Booqashadani guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii wasaaradda caddaalada ay soo jeedisey in isbitaalka laga dhigo xabsi oo uu markii hore ahaan jirey ka hor dagaaladii sokeeyo.

Xildhibaan Axmed Aabi oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee baarlamaanka ayaa sheegey in ay habboonaan lahayd in isbitaalka loo dhaafo sidiisa.

Isbitaalka Keysaneey ayaa waxa uu ka ahaa kuwii muddadii ugu dheeraa shaqeynayay tan iyo xiligii laga soo baxay dagaalada sokeeye, islamarkaasina wax badan ka taray dhibaatada dadka heysatay ee xagga caafimaad darada.

Halkan ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com