Odayaasha Dhuuso-Mareeb oo bixiyey DIGNIIN ku aadan shirka CADAADO, dalbadayna 3 arrin!

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee shirkii dib u heshiisiinta ugu soo dhamaaday magaalada Dhuusamareeb oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa soojeediyey dalabyo cusub oo ku aaddan shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Axmed Mire oo u hadlay odayaasha ayaa akhriyey qodobada ay codsanayaan odayaasha, kuwaasi oo kala ah

1. In ergada shirka laga dhigo 510 xubnood
2. In xulista ergooyinka looga dambeeyo guddoonka duubabka beelaha ee ay hormuudka u yihiin guddiga marjaca gogosha dib u heshiisiinta ee Dhuusamareeb
3. In furidda shirka maamul u sameynta aanan lagu degdegin inta laga dhameynaayo dib u heshiisiinta beelaha

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo sheegey in madaxweynaha markii ay Dhuusamareeb kula kulmeen uu u sheegey in go’aanka ay iyagu leeyihiin, maamulkana dhisanayaan, sidaasi darteed aanan la marin habaabinin hoggaanka shirka.

Ugaas Axmed Ugaas Barre oo isna hadlay ayaa codsaday in loo tixgaliyo hoggaanka odayaasha dhaqanka.

Odayaasha ayaa waxa kale oo ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay Cadaado tagaan, balse ay sugayaan martiqaad ay ka helaan maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka taliya magaaladaasi uu shirka ka dhacayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com