Xasan Sheekh oo soo saaray qoraal laba arrin gudbinaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal ku aadan sanad-guurada ciidanka, kaasi oo uu hambalyo ku aaddan xuska sanad-guurada 79-aad ee aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ugu diray Saraakiisha iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidanka booliska iyo qoysaskooda.

Xasan Sheekh ayaa xusay in ciidanka booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa markale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay xoojiyaan garab istaaga ciidamada dowladda, xili uu dalka ku jiro dagaal ka dhanka kooxda Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay ku garab istaagaan Ciidankeenna geesiyaasha ah gudashada waajibaadkooda Qaran, gaar ahaan wakhtigan oo dalka uu u jiheystay dabar-gooynta argagixisada Alshabaab oo sannado badan curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

20-ka December ayaa ah astaan kamid ah maalmaha qaran ee loo dabbaal-dego xusuusta dhaxal-galka ah ee umadda, gaar ahaan aasaaska ciidamada booliska oo kamid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka.

Sanadkii 1943-diii ayey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan boolis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn, islamarkaana lagama maarmaan u ah aasaaska dhismaha dowladd Soomaaliyeed oo wax la wadaagta wadamada caalamka.