Laftagareen oo shuruud yaab leh ku xiray inuu xilka ka dego

Baydhaba (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyay markii uu baarlamaanka Koonfur-Galbeed muddo kordhin xileed u sameeyay madaxweynaha dowlad goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) waxaa sii xoogeysanayay jahwareer siyaasadeed oo ku aaddan arrintan.

Madaxweyne Laftagareen ayaa xalay markii ugu horreysay ka hadlay mowduucan, isagoo sheegay in uu ahaa go’aan ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka. Waxa uu intaa ku daray in iyaga oo keliya ay mar kale isbaddal ku sameyn karaan, isbedelkaas oo uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu aqbalo. 

“Wixii ku saabsan [muddo-xileedka] ma rabo inaan waqti geliyo, mana rabo inaan ka sheekeeyo, mas’uuliyaddaas waxaa iska leh Baarlamaanka Koonfur-Galbeed, maalinta berito ah Baarlamaanka Koonfur-Galbeed wuxuu ka qabo ayaan ka qabaa, hay’addii sharci-dejinta waaye, shalay iyadaa go’aankan gaartay, nidaam bey usoo martay, mooshin baa la keenay, nadaam ayaa noo jira, dowlad baa jirta,” ayuu yiri. 

Waxa uu hadal ka jeediyay xaflad ka dhacay Baydhabo oo lagu xusayay afar sano guurada markii la doortay, taas oo sidoo kale dhammaad u noqoneysa muddo xileedkii afarta sano ahayd.

“Xeer iyo nidaam annaga aan sameysannay baa yaalla, nin iyo qof xanaaqsan, ama siyaasad u xanaaqsan ama dareen kale qaba sharciyaddeenna iyo nidaamka iyo dowladnimada midna waxba kama baddalayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. 

Muddo-xileedka madaxweyne Laftagareen oo ahaa 4 sano ayaa ku ekaa shalay oo ahayd 19-ka bisha Disembar, waxaana uu ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay afar guuradii kasoo wareegtay markii la doortay.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo bandhigay shuruud uu xilka ku wareejin doono isaga oo sheegay in maamulkiisu ay xilalka oo dhan “ku wareejin doonaan qofkii hal tuulo ka soo qabsada Al-Shabaab.”