Wariye Jamaal Cismaan oo ka hadlay tarxiilkiisii Muqdisho iyo arrin ‘ay kula kacday’ DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Jamaal Cismaan oo ka tirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 ayaa markii u horeysay shaaciyay is-hortaag lagu sameeyay xili uu soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wariye Jamaal oo shalay dib uga noqday Muqdisho ayaa muddo ku siman 24 saac ku sugnaa Hoteel ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kaasi oo loogu xanibay si uusan ugu sii gudbin magaalada.

Waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in laga hor istaago gelista magaalada Muqdisho, islamarkaana laga tarxiilo caasimada Soomaaliyeed.

“Shakhsi Soomaali ah in laga hor istaago gelitaanka caasimadda Muqdisho oo laga tarxiilo hoyga Soomaaliyeed waxay dhaawac weyn u gaysanaysaa jiritaanka Soomaalinimo. Taas waxaa garan karta inta damiir iyo dadnimo leh ee fahmi karta macnaha iyo mugga ay Soomaalinimadu leedahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mid kamid ah taliyeyaasha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ugu sababeeyay xanibaadiisa in uu bartimihii sanadkan wareysi la yeeshay madaxa Amniyaatka Al-Shabaab, Mahad Karatee.

“Waa la kala fikir duwanaan karaa, baasaboorro kala nooca ayaa la wadan karaa, waa la isdagaali karaa laakiin waxaa bulshada isku haya waa dhiiga iyo dhalashada Soomaali. Markay taas meesha ka baxdo waxaa go’aya xadhigii isku hayay bulshada.”

Barnaamijka oo Jamaal uu kasii daayay Channel 4 ayaa lagu haystaa inuu buun-buunin u sameeyay kooxda Al-Shabaab, isaga oo muujinayey inay dadku nolol wanaagsan ku haystaan joogitaanka iyo ku hoos noolaanshaha argagixisada Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab soo saartay awaamiir warbaahineed oo ku saabsan in dhamaan wararka la xiriira kooxda oo ay ku jiraan falalkooda iyo fikirkooda inay yihiin dambiyo ciqaab mudan.