Daawo: Booliska MUQDISHO oo nolosha ku qabtay rag weerar culus soo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay rag nolosha lagu qabtay, iyagoo doonaya inay weerarro toos ah fuliyaan, kuwaas oo warbaahinta loo soo bandhigay iyaga iyo hubkooda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa soo bandhigay laba nin, Bajaaj iyo seddax qori, kuwaas oo doonayey inay weerarro ka fuliyaan degmooyinka Deyniile iyo Kaaraan.

Sidoo kale waxaa Kaaraan lagu toogtay hal nin oo ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo doonayey inay weeraraan saldhigga booliska ee degmada Kaaraan, waxaana xusid mudan in ninka laga soo qabtay Kaaraan ay dhalinyarada degmadaas soo qabteen.

“Ciidamada ammaanka iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa nolosha ku qabtay dhagarqabayaal hubeysan oo doonayey inay weerar ka geystaan degmada Kaaraan, waxaana halkaas lagu dilay hal dhagarqabe,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Sadiiq Doodishe ayaa intaas kun sii daray, “Howlgal kaler oo ay ka filiyeen ciidanka booliska Soomaliyeed degmada Deyniile ayaa lagu soo qabtay dhagarqabe kale oo watay laba qori oo AK47 ah, oo halkaan aan ku soo bandhignay.”

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ragaan lasoo qabtay ay aad u adeegsanayeen mooto Bajaaj-ta, “dhamaan howlaglladaas sameynay waxaan ku ogaanay in mooto Bajaajyo badan ay ku lug lahaayeen dembiyada dhacay,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Afhayeenka ayaa shacabka Muqdisho u diray war-gelin ah inay ka taxadaraan mootooyinka, gaar ahaan dadka kala iibsanaya, isagoo kula taliyey inay Nootooyinka la tagaan oo kula wareegaan gadiidka ay iibsanayaan.

Hoos ka daawo