30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Madaxweyne Xasan Sheikh oo difaacay Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xeritaanka dowlada Ethiopia ay xiratay dhawaan biyaha wabiga Shabeele iyaga oo ka xiray dhanka dhulka ismaamulka Somalida Ethiopia.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada Ethiopia aysan xiran biyaha wabiga Shabeele, sida uu sheegay waxaase biyo la’aanta wabiga Shabeele laga dareemay gobolada wabigaasi uu maro.

Madaxweynaha ayaa sheegay in itoobiya aysan marnaba  xiran karin Biyaha Wabiga islamarkaana aysan dhigeyn Qawaaniinta Caalamiga ah arintaasi.

Wabiga Shabelle  ayaa bilihii la soo dhaafay  biyo yaraan keenay,waxaana sidoo kale Goboalda dalka ee uu maro Wabiga uu ka sameeyay Guritan.

Haatan ayaa waxaa war farxad leh uu ka imaanayaa deegaanada uu maro wabiga waxaana la sheegayaa in xoogaa Biyo ah uu wabiga keenay taas oo ay soo dhoweeyeen dadka beeralayda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News