Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa maanta ka furmaya shir balaaran oo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka midowga Africa.
Shirka ka dhacaya dalka Ethiopia oo ah mid sanadle ah ayaa markii ugu horeysay sanadkaan waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadli doonaa xaalada dhaqaalaha wadamada Africa iyo xaalada dagaalada ka taagan dalal badan oo qaarada Africa ku yaala.
Warar hordhac ah oo shirka kasoo baxaya ayaa waxay sheegayaan in kulanka inta badan diirada lagu saari doono wadanka Mali dhibaatada ka taagan iyo xaalada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa wafdigiisa ku wehliya wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya,waxaana halkaasi kaga sii horeeyay wasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya.