Madaxweynihi dalka dalka TUNISIA oo geeriyooday

Tunis (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda calmaaniga ah ee Wadanka Tuunis ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Mohamed Beji Caid Essebsi oo ahaa madaxweynihii wadankaasi.

Wararka ka imaanaya dalka Tuunis ayaa xaqiijinaya in Isbitaal Melleteri uu ku dhintay Mohamed Beji Caid Essebsi oo ahaa 92 sana jir muddo shan sanadood ah soo maamulayay wadankan dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Tuunis ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu udhintay cudur maalmihii lasoo dhaafay lagala tacaalayay.

Essebsi ayaa waxaa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacay Tunisia kaddib kacdoonadii ka dhacay dalalka carabta.

Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com