25.1 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Madaxweynihii Gambia oo ku dhawaaqay go’aan Afrikaanka ay qaadan wayeen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa shaaca ka qaaday in looga itaal roonaday Doorashada ka dhacday dalkiisa.

Mr Yahya Jammeh, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada dalkiisa ka dhacday waxa uuna tilmaamay inay aheyd mid u dhacday si cadaalad ah.

Yahya Jammeh waxa uu qirtay in looga cod badiyay Doorashada, isla markaana uu ku qanacsan yahay codeynta meesha ka dhacay.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa isna sheegay in Yahya Jammeh uu qirtay in lagaga guulaystay doorashadii Khamiistii dhacday.

Yahya Jammeh Ilaa iyo hadda Yahya si toos ah isagu ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yaryahay Adama Barrow oo ah hogaamiyaha mucaaradka.

Yahya Jammeh ayaa helay 45% codadkii la dhiibtay, waxa uuna Guddiga si hordhac ah u shaaciyay in Yahya uu qanacsan yahay.

Mr Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii, waxa uuna xiligaani garwaaqsaday inay muhiim tahay in Gambia ay ka dhacdo doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News