Madaxweynihii hore ee Somalia oo sheegay HAL arrin oo sabab u ah dhibka ka jira SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Shacabka Soomaaliyeed ay la jahwareersan yihiin dhibaatooyinka ay ka dhex leen qabyaalada, ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadlay Madaxweynihii hore ee Somalia, C/qaasim Salaad Xasan.

C/qaasim ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay aad u kala fogyihiin sababo la xiriira qabyaalada ka dhex taagan awgeed waxa uuna sheegay in ka shaqsi ahaan uu qabo in qabyaaladu ay qayb ka tahay waxyaabaha sababay inay kala fogaadaan shacabka Somaliyeed.

C/qaasim oo taasi ka hadlaayay ayaa waxaa hadalkiisa kamid ahaa “Hadii ay Soomaalinimo iyo walaaltinimo rabaan shacabka waxaa ila haboon in leyska daayo, xasadka iyo is neceybka oo la midoobo, hadii intaasi la sameyn lahaa maba yimaadeen ciidan ajnabi iyo dagaal midna, in ciidan shisheeye la keeno Somalia waxaa sabab u ah is faquuqa Soomaalida ka dhex taagan”

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka kataagan Somalia gaar ahaan is naceybka heysta Umada uu ka dhashay in Somalia laga hirgaliyo Barnaamijka Federaaliisimka oo laga dhaqan galinaayo gayiga Somalia.

Waxa uu mar kale yiri “Federal marka la lee yahay waxaa noqda dal, dadkiisa aynaan isku diin ahayn, isku dhaqan ahayn, isku af ahayn, ay kala jeedaan oo dad noocyo badan yihiin. Dad sida Soomaalida oo kala ah hal af, hal diin iyo hal dad ah, Federal badanaaba ma noqdaan.”

Dhanka kale, waxa uu Soomaalida uga digay inay kusii fogaadan waxa loogu yeero qabyaalada oo uu C/qaasim sheegay inay tahay tan kaliya hoos u dhigtay Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com