Xog: Cabdi Weli Gaas oo waji gabax kala kulmay Qaramada Midoobay iyo DIGNIIN loo jeediyay !!!!

Garoowe (Caasimada Online) – Warar naga soo gaarayo Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu fariin lidi ku ah DF Somalia u diray Xafiiska wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

Wararku waxa ay sheegayaan in fariintaasi ay aheyd mid uu Gaas uga hadlaayay muranka ka dhextaagan DF Somalia iyo Maamulka Jubbaland, waxa uuna QM qoraalkaasi ugu iftiimiyay halka ay dhibtu ka taagan tahay.

Gaas ayaa waxa uu fariintiisu ku cadeeyay in DF Somalia ay qaab qabiil u dhigtay Siyaasadii la filaayay in si daacad ah loogu hago dalka Somalia, QM looga baahan yahay inay faragalin adag ku soo sameyso muranka taagan ee aan indhaha laga daawan karin.

Waxa uu tilmaamay in arrintaasi uu isku dayay in xalkeeda uu kala hadlo Madaxweyne Xassan balse ay isku fahmi waayen xaqiiqda jirto iyo sida xal degdeg ah looga gaari lahaa.

Gaas waxa uu sidoo kale, sheegay in Madaxweyne Xassan uu ka caga jiidaayo inuu soo afjaro muranka taagan, taasina ay Puntland walaac ka muujineyso.

Ujeedka Puntland ayuu fariintiisa ku sheegay inay tahay in wax muuqda ay QM ka qabato awoodaha ay adeegsanayaan xubnaha BF Somalia.

Ilo wareed ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Gaas oo nooga xog waramaayay fariintaasi ayaa waxa uu sheegay in wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay uu Madaxweyne Gaas uga digay inuu gacan ku yeesho arrimaha ka dhextaagan DF Somalia iyo Maamulka Jubba, waxa uuna u cadeeyay in Mowqifka QM uu yahay midka saxa ah ee Dastuurka Somalia ku xusan, balse ay jiraan dadaalo ay ku xalinayaan xiisada iminka taagan.

Waxa uu sheegay in Gaas looga digay inuu faragaliyo xiisada taagan, kaliya kaalintiisuna ay tahay inuu isha ka daawado inta xal laga gaarayo.

Si kastaba ha ahaatee, fariimaha ay wadaagen labada Mas’uul ayaa muujineysa in Maamulka Puntland uu xadkiisa ka dheereynaayo mudada kooban oo ay xasarada ka dhextaagan tahay DF iyo Maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com