Dagaal qaraar oo ka dhex qarxay DF & Ahlu-suna

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa Sheegaya in halkaasi ay goordhow ku wada dagaalameen Ciidamada militeriga Dowlada Somalia iyo Ahlusuna.

Ciidamada Dowlada ayaa kuwa Ahlusuna u adeegsaday hubka cul culus , kadib markii Ahlusun ay isku dayday inay isku fidiso Degaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dagaalka labada dhinac u dhexeeyay ayaa qaatay dhowr saac, iyadoona inta la xaqiijiyay dagaalkaasi ay ku nafwaayen Shan ka kala tirsanaa labada dhinac, halka dhaawacana uu gaaray ilaa Sideed.

Dagaalka kadib Ciidamada Dowlada ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay Ahlusuna uga saarayaan Deegaanada ay iminka heystaan, waxaana sidoo kale lasoo warinayaa in labada Ciidan ay iminka isku horfadhiyaan Deegaanka Olol oo aan sidaa uga sii fogeyn Magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale, Ciidamada Dowlada ayaa ku hanjabaayo inay awood ay Ahlusuna kaga saarayaan Deegaanada iminka ay gacanta ku hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com