Ergada shirka CADAADO oo ku heshiiyay qodob xanuunjin doono maamulka PUNTLAND (AQRI) !!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegaya in Ergooyinka shirka ay isla gaareen qodob lidi ku ah Maamulka Puntland oo xasarad hor leh dhalin karta.

Wararku waxa ay sheegayaan in dood dhex martay Ergada ay uga doodayeen halka uu ku ekaan doono xadka Maamulka cusub ee dhismihiisu uu iminka ka socdo Cadaado.

Ergada ayaa isku fahmay in xadka Maamulka G/Dhexe uu ku ekaan doono Gobalka Nugaal, waxa ayna gaashaanka ku dhufteen inaan la soo gaabin karin halka ay u cayimeen xadka.

Ergada ayaa si dadban meesha uga saaray heshiiskii ka dhacay Magaalada Garoowe ee uu Madaxweyne Xassan ku shaaciyay in Puntland ay Mudug ka xakumeyso qeybteeda.

Qodobkaani ay wada gaaren Ergada ayaa waxa uu beeninayaa heshiiskii Puntland loogu xalaaleeyay qeyb kamid ah Mudug, waxaana muuqaneysa in Mudug oo idil ay si dadban u raaceyso Maamulka G/Dhexe waa hadii aan wax laga bedelin qodobka ay odayaasha ku cabireen xuduuda Maamulka G/Dhexe.

Dhanka kale, waxaan la ogeyn sida uu xaalka noqon doono,inkastoo laga cabsi qabo inuu bur buro heshiiskii ay wada gaareen DF iyo Maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com