Warqad uu soo diray Xasan Sheekh oo jahwareer cusub ka abuurtay shirka magaalada CADAADO

Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo gaarsiiyey Ergooyinka shirku uga soconayo Caddaado wareegto ka timid Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Wareegtada oo u muuqata in mar hore la qoray, balse shalay un la gaarsiiyey ayaa waxaa lagu samirsiinayaa cabashada Maamulka Ximin Xeeb ee ku saabsan in Madaxweynuhu aanu xaq u laheyn in isagu uu ku dhawaaqo Magaalada caasimada u noqoneysa Maamulka, ayna tahay in Ergooyinku ay doortaan halka ay noqoneyso caasimada, waxaanna lagu xusay Wareegtada Madaxweynaha in Caasimada Maamulkaasi ay noqoneyso Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Baarleex ayaa mabda ahaan ku biiray kooxda Damuljadiid, isaga oo qeyb ka noqday ololaha Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh iyo saaxiibadii ay ku doonayaan in xilkaasi loogu doorto C/kariin.

Shirka maamul samaynta Gobolada dhexe ayaa ku socda qaab nidaam darro lagu tilmaami karo, iyada oo Dawladda iyo Gudoomiyaha Guddiga Farsamada oo Dowladdu magacaabatay ay shirka u maamulanaya qaabkii ay Musharaxa Damuljadiid Cabdikariin Xuseen Guuleed uga dhigi lahaayeen Madaxweynaha maamulka Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Haliimo Yareey ayaa shaqadaan ay u qabanayso Damuljadiid iyo Madaxweyne Xassan Sheekh ku bedelatay Xubinimadda Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somalia, waxaanna ayaa Xaliimo Ismail loo balanqaaday in dhaqaalo badan ay siinayaan.

Hoos ka fiiri wareegtada:

wareegto1