DAGAAL laga cabsi qabo inuu Cadaado ka qarxo iyo 200 oo ka mid ah ERGADA oo shaaciyey in…

Cadaado (Caasimada Online) – 200 oo ka mid ah 350 Ergo ee lagu wado inay soo dhisaan Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa waxay si weyn u dhaliileen Dowladda Federalka Somaliya, iyagoona ku eedeeyay in fara-gelin ku hayso shirka ka socdo Cadaado.

Ergada oo kulan ku yeelatay Magaalada Cadaado, ayaa waxay ka soo saareen qoraal ay ku mideysan yihiin, waxayna dhaliil gaar ah u jeediyen Guddiga Farsamada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya.

Qoraalka waxaa lagu sheegay Guddiga Farsamada inay marin habaabinayan Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, isla-markaana ay Ergadu noqotay kuwo aan waxba kala socon habka Maamulkaasi loo soo dhisaayo.

Ergadu waxay ku baaqday in la helo dad dhex dhexaad ah oo soo fara-geliyo waxa ka taagan Magaalada Cadaado, si looga hortaggo dagaalo ka dhaca Magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq iyo Galinsoor.

“Waxaan aad uga walaacsanahay in Cadaado iyo magaalooyin kaleba dagaallo ay ka qarxaan” ayay yiraahdeen.

Fara-gelinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxay ku sheegeen in Magaalada Cadaado ay ku hayso, dad ay sheegeen inay inay ku sheegtay Ergo, iyagoo markaasi qayb ka ah Ergada Maamulka Gobolada Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa wareysi uu siiyay VOA waxa uu ku sheegay in meel wanaagsan uu maraayo Shirka Magaalada Cadaado.

Arrimahan waxay ku soo beegmayan, iyadoo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ay shaacisay in saacadaha soo socdo, ay isaga bixi doonto Shirka Magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com